Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa faray Hay’addaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, sidoo kale waddooyinka xiran ay Shacabka u furaan.
Waxaan farayaa hay'adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo.
Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada.
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) June 9, 2018
Madaxweynaha ayaa sheegay in sugida amniga iyo nabadgalyada ku timaado wadashaqeyn dhexmarta hay’adaha amniga iyo shacabka.
Waxaa xirnaa maalmihii igu dambeeyay waddooyinka muhiim ka ah ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo dowladdu ay sheegtay in ay arrimo amni darteed loo xiray.
Waddooyinka xiran ayaa samayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha iyadoo ay tahay xili dadka reer Muqdisho ay isu diyaarinayaan munaasabada Ciida oo ay maalmo maalmo ka harsan tahay.