Madaxweyne Erdogan oo si weyn u weeraray la taliyaha amniga Mareykanka

115

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa si weyn u wareeray la taliyaha amniga madaxweynaha Mareykanka John Bolton kaddib markii la taliyaha amniga uu sheegay in ka bixitaanka ciidanka Maraykanka ay shuruudo ku xiranyihiin, shurudahaadna ay ka mid tahay in Turkigu uusan weerarin kooxda YPG ee Kurdishka.

Madaxweynaha Erdogan ayaa ku eedeeyay la taliyaha dhanka amniga ee maadxweynaha Mareykanka John Bolton in uu adkeynayo qorshaha madaxweynaha Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Suuriya.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in John Bolton oo saraakiil Turki ah kula kulmay Istnabul , inaksta oo uusan arkin maadxweynaha Erdogan uu sameeyay khalad weyn maadaama uu shuruud ku xiray in Maraleykanku uu Suuriya ka baxo.

Madaxweyne Trump ayaa bishii la soo dhaafay si lama filaan ah u  sheegay in uu ciidankiisa la baxayo , taas oo keentay in ay iscislaan saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku jiro Xoghayihii difaaca James Mattis iyo ergaygii Mareykanka ee la dagaalanka Daacish.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa si weyn ugu kala aragti duwan arrinta kooxda YPG oo Turkigu u arko in ay khatar ku yihiin amniga Turkiga, halka Mareykankuna uu  u arko xulafo muhiim ah oo gacan weyn ak geystay dagaalka kooxda Daacish ee dalka Suuriya.

SHARE