Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqasho madaxeed ku tagi doono dalka Jarmalka 28-29- ka bisha Septembe, sida uu sheegtay afhayeenka madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier.
Madaxweyne Erdogan ayaa waxa qaabili doono madaxweyne Steinmeier.
Afhayeenka u hadlay madaxweynaha Jarmalka faahfaahin kale kama bixin in madaxweyne Erdogan uu la kulmi doono iyo in kale Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.
Xaafiiska Ra’iisal wasaare Merkel ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu ka hadal booqashada Madaxweyne Erdogan.
Booqashada Madaxweyne Erdogan ayaa noqonaysa tii ugu horresay ee uu ku tago Jarmalka tan iyo 2014 kii iyo tan iyo markii madaxweynaha Turkiga loo doortay.
Qorshaha booqashada Erdogan ayaa waxa ay ka turjumaysaa dadaalada lagu doonayo in dib looga soo celinayo xiriirka xummaaday ee u dhexeeya Jarmalka iyo Turkiga.