Madaxweyne Erdogan: Dilka Khashoggi ‘maalmo ka hor ayaa la sii qorsheeyay’

453
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoga waxa diiday sharaxaada Sacuudiga ka bixisay dilka Jamal Khashoggi, waxa uuna ka dalbaday maydkiisa in ay sheegaan meesha ay geeyeen. Sawirka: sky News

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dilka suxufiga Jamal Khashoggi ee lagu dhexdilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul ay maalmo ka hor saraakiisha sirdoonka Sacuudiga sii qorsheeyeen.

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoga ayaa ka dalbaday Sacuudiga maydka Jamal Khashoggi meesha ay geyeen, isaga oo iska diiday sharaxaada ay ka bixiseen dilkiisa.

‘ Aaway maydka Jamal Khashoggi? ‘Qof taqaano malahan ilaa iyo hadda .” Ayu yiri Erdogan.

Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayay Xildhibaannada Baarlamaanka ee xisbigiisa (AK Party) maanta, ayuu Erdogan faahfaahiyay dilka Khashoggi, balse eedeyn badan oo ku saabsan dilka Suxufiga uma jeedin boqortooyada Sacuudiga, taasi oo dhalisay Carro iyo cambaareyn caalamiya.

” September 28 jeedii, ayaa Khashoggi tagay qunsuliyada Sacuudiga si uu warqado nikaax uga soo samaysto,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka.

” waxa ay u egtahay in islamarkaa It seems t [ mas’uuliyiinta Sacuudiga] ay bilaabeen qorshaha khaarajinta Khashoggi. Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madxweyne Erdogan ayaa sido kale sheegay in Sacuudiga ay ka doodayaan in ay u soo gacan galiyaan 15 qof ee ku lugta lahaa dilka Khashoggi si gudaha dalka Turkiga loogu maxkamadeeyo.

Madaxweyne ayaa sheegay in sidoo kale uu doonayo inuu ogaado qofka Turkiga ah Sacuudigu sheegeen in maydka Jamal Khashoggi loo dhiibay in ay soo sheegeen.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in meesha la geeyay maydka Jamal Khashoggi, oo ayna muhiim tahay in la helo caddeymo muujinaya sida wax u dhaceen.

Madaxweyne Erdogan ayaa Sacuudiga ka dalbaday sharaxaad iyo caddeymo ku saabsan wixii ku dhacay Jamal Khashoggi.

Madaxweyne Erdogan oo horrey u balan qaaday in soo bandhigi doono wax kasta oo ku saabsan caddeymaha dilka Jamal Khashoggi ee ka soo baxay baaritaanka sirdoonka Turkiga waddaan ayaana wax badan oo faahfaahin ah soo bandhigin.

SHARE