Mogadishu (UM) – Guddiga fulinta ee Xisbiga Shacabka Dimuqraadiga Dowlad deegaanka ismaamulka Soomalida Itoobiya ayaa ku dhawaaqeen in Madaxweyne Cusub u doorteen Mustafa Muxumad Cumar Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya sida shegayaan wararka ka imaanaya dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Guddiga ayaa markale waxa ay doorteen Madaxweyne cusub iyadoo hore madaxweyne ugu doortay Axmed Cabdi Maxamed kadib markii xilka laga qaaday Cabdi Maxamed Cumar oo sanooyinkii la soo dhaafay ahaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta loogaga qaaday xilka Ahmed Abdi Mohamed (ilka case) oo dhowr toddobaad ahaa Madaxweynaha maamulkaasi.
Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa la sheegayaa in uu oo ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxa uuna la soo shaqeeyey hay’adda Qaramada midoobey qeybta OCHA.