Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb

105

Madaxeynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubbalnad, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa kulan qado ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u joogaan ka qaybgalka shirka heer Dowlad Goboleed.

Madaxda oo guryo kala fog la kala dajiyay ayaa salaadii Jimco kadib waxa ay isugu tageen xarun loo diyaariyay in ay si wadajir ah ugu wada qadeeyaan, una yeeshaan kulan gaar ah oo hordhac u ah fadhigooda berri.

Dib u dhac ayaa ku yimid in uu maanta qabsoomo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tagay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana socda kulamo gaar gaar ah oo leeyihiin hoggaamiyaasha dowlaad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb uga arrinsaday xiliga uu furmayo shirkooda, iyadoona lagu soo waramyo inay isla garteen in maalinita berri oo ku beegan 11-ka July uu si rasmi ah u qabsoomo shirka.

Ajendayaal dhowr ah ayaa miiska saaran, waxaana ugu weyn Doorashada dalka 2020/21 oo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qaarkood dhaliilsanyihiin qorshaha Dowladda federaalka ee doorasho ka taaba gasha dalka. Waxaa sidoo kale ajendayaasha qeyb muhiim ka ah xilliga uu ku eegyahay xilka dowladda haatan jirta oo mudadeeda uu gabaabsi yahay, iyo qorshaha doorasho ee dhawaan ay soo bandhigeen Guddiga Dooraashada oo qaar ka mid ah madaxda Dowlad Goboleedyada ay muujiyeen inay ka soo horjeedaan.

Image may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing and beard

SHARE