Madaxweynahii Tansaaniya oo Geeriyooday

726
Madaxweynaha Tansaaniya John Magufuli oo Geeriyooday: Reuters

Madaxweynaha Tansaaniya John Magufuli ayaa dhintay isagoo 61 jir ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne ku xigeenka dalka.

Wuxuu Arbacadii u dhintey xanuun dhanka wadnaha ah isbitaal ku yaal magaalada Dar es Salaam, sida ay ku dhawaaqday Samia Suluhu Hassan hadal ay ka jeedisay telefishanka dowladda.

Magufuli laguma arag fagaarayaasha in ka badan laba toddobaad, warar xan ah oo ku saabsan caafimaadkiisa ayaa aad la iskula dhexmarayay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa usbuucii la soo dhaafay sheegay inuu ku dhacay xanuunka ‘Covid-19’, laakiin taas lama xaqiijin.

Magufuli wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan Afrika ee ka shakisan coronavirus, wuxuuna ku baaqay salaadda iyo daaweynta uumiga ee dhirta lagu shubo si looga hortago fayraska.

“Aad ayaan uga qoomameynayaa inaan maanta idinla socodsiiyo … waxaan weynay hogaamiyaheena geesiga ah, madaxweynaha jamhuuriyada Tanzania, John Pombe Magufuli,” madaxweyne ku xigeenka xasan ayaa ku sheegay bayaanka.

Waxay sheegtay in ay jiri doonto 14 maalmood oo baroor diiq qaran ah calankana hoos loo dhigi doono.

Sida uu qabo Dastuurka Tansaaniya, Ms Hassan waxaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha cusub waxayna u adeegi doontaa inta ka dhiman kooxda shanta sano ah ee Magufuli oo uu bilaabay sanadkii hore.

Magufuli waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay fagaaraha 27-kii Febraayo, laakiin Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa ayaa usbuucii hore ku adkeystay in madaxweynaha “uu caafimaad qabo oo uu si adag u shaqeynayo”.

Wuxuu ku eedeeyay wararka xanta ah ee caafimaadka madaxweynaha inay ka dambeeyaan kuwa “neceb” dadka reer Tanzania ee ku nool dibadaha.

Laakiin hogaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu ayaa BBC-da u sheegay in ilo wareedyadiisa ay u sheegeen in Magufuli looga daweyyay isbitaal ku yaallla Kenya coronavirus.