Madaxweynaha Zimbabwe oo dalkiisa dib ugu laabtay

719

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa oo safar ku joogay Yurub ayaa sheegay inuu dalkiisa dib ugu laabtay kadib dibadbaxyo rabshado wata oo dalkiisa ka socday toddbaadyadii la soo dhaafay kuwaasi oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.

Madaxweyne Mnangagwa oo la filayay inuu ka qaybgalo shirka dhaqaalaha ee adduunka ee magaalada  Davos ee dalka Switzerland ka socda halkaas oo la filayay inuu maalgashi uga raadiyo Zimbabwe ayaa ka baaqday. Waxa uu sheegay in wasiirkiisa Maaliyadda Mthuli Ncube uu ku matali doono shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos.

Wasiirada ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee isbeddelka Dimuqraadiga ah (MDC) uu u isticmaalayo qiimaha shidaalka oo aad u kordhay iyadoo u adeegsanayo dibadbaxyo rabshada wata.

Laakiin mucaaradka ayaa dowladda waxay ay ku eedeeyeen hawlgal ballaaran.

Mr Mnangagwa ayaa ku dhawaaqay kor u kaca sicirka shidaalka todobaad ka hor kaasi oo horseeday dibadbaxyo carro leh oo ka bilawday Caasimadda, Harare, iyo magaalada koonfurta galbeed ee Bulawayo.

Madaxweyne Mnangagwa ayaa sheegay in ahmiyadiisa kowaad ay tahay sidii Zimbabwe uu ugu soo celin lahaa xasilooni iyo deganaansho.