Madaxweynaha sida sharciga caalamku u aqoonsanyahay ee Yaman Cabdu Rabbo Mansur Hadi ayaa ugu baaqay dowladda Sucuudiga in ay si dhaqso ah u soo faragaliso arrimaha Yaman si loo xakameeyo kooxda gooni u goosadka Yamanta koonfureed ee Imaaraadku uu taageero oo ku dhow in ay la wareegaan magaalada Caddan iyo deegaanada ku dhow dhow.
Warka ka soo baxay Madaxweynaha Yaman ee heysta aqoonsiga caalamiga fadhigiisuna yahay dalka Sucuudiga ayaa imaanaya kaddib markii saraakiil Yamaniyiin ah ay dowladda Imaaraadka ku eedeeyn duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku taageereeyso golaha ku meel gaarka ee Koonfureed. Duqeymahaas ayaa loo geystay ciidanka dowladda Yaman, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dad darsin gaaraya oo rayid ah oo ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow caasimadda Yamanta Koonfureed ee Caddan.
Dagaallada qaraar ee dhawanahaan ka holcayay magaalada Caddan ee u dhaxeeya ciidanka dowladda Yaman iyo kuwa golaha kumeel gaarka ah ee Koonfureed ayaa furin hor alle ah ku furay dagaalka Yaman. Labada dhinac ee hadda dirirtu u dhaxeyso ayaa ahaa xulafo ku wada jira isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jiray kooxda Xootiga.
Wasiirka warfaafinta Yaman Mucamar Al Eryani ayaa khamiistii sheegay in duqeymaha Imaaraadka ee Caddan iyo deegaanada ku dhow dhow, iyo sidoo kale caasimadda gobolka Abyan ee Zanzibar ay ku dhinteen 40 dagaalyahan, 70 rayid ahna ay ku dhaawacmeen. Dhinaca kale wasaaradda difaaca Yaman ayaa barta Twitter ku sheegtay in dad gaaraya 300 boqol ruux ay wax ku noqdeen duqeymaha Imaaraadku ka geysanayo dalka Yaman gaar ahaan Caddan iyo deegaanada ku xeeran. Sheegashada wasaaradda ayaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Madaxweyne Hadi ayaa ku eedeeyay kooxda gooni u goosadka ee Yaman in ay ku kaceen gardarro cad iyo isku day ay ku doonayaan in ay ku kala qaybiyaan dalka Yaman iyaga oo istcimaalaya awood ciidan iyo taageero dhanka cirka ah. Ciidanka dowladdiisa ayuu sheegay in ay isaga baxeen gudaha Caddan si ay dadka uga badbaadiyaan burbur iyo dhibaato ay geysanayaan kooxda gooni u goosadka ah.
Dowladda Yaman ayaa Arbacaddii sheegtay in ay dib ula wareegtay magaalada Caddan oo tobankii bisha Agoosto ay qabsadeen kooxda gooni u goosadka Koonfureed, hase ahaate kooxda gooni u goosadka ayaa sheegtay in ay dib u qabsadeen magaalada Caddan oo ay iyagu gacanta ku hayaan sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka kooxda gooni u goosadka Yaman Hani Bin Barek oo baraha bulshada soo dhigay muuqaalo muujinaya isaga iyo madaxda kale ee kooxda oo kormeeraya magaalada Caddan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in diyaaradahooda ay duqeymo u geysteen kooxo argagixiso ah oo weerar kusoo qaaday fariisimaha isbaheysgiga ee garoonka diyaaradaha ee Caddan.
Dalka Yaman ayaa ku jira xaalad dagaal tan iyo sannadkii 2015 oo xulafada Sucuudiga ay weerar ku qaadeen dalkaas kaddib markii ay qabsadeen kooxda Xuutiga. Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku waramay in Mareykanka iyo kooxda Xuutiga ay u bilowdeen wadahadllo qarsoodi ah oo lagu doonayo in xal looga gaaro arrimaha murugsan ee dalka Yaman.