Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa soo dhaweeyay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay dood ka yeeshaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka Venezuela .
Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya Ruushka ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan isku day kasta oo Mareykanku uu ku doonayo in lagu aqoonsado hoggaamiyaha mucaaradka dalka Venazuela oo Maraykanku uu dhawaan sheegay in ay u aqoonsadeen Madaxweyne ku meel gaar ah.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka socda olole Mareykanku wado oo lagu doonayo in Juan Guido loo aqoonsado madaxweynaha sharciga ah ee dalka Venezuela
Ruushka, Turkiga, Shiinah ayaa ka horyimid in madaxweyne Nicolas Maduro laga qaado xilka madaxweynenimo, iyaga oo ka digay in siyaasado looga faa-iideysto xaaladaha kusoo kordhay dalka Venezuella.
Baaqyo kala duwan ayaa ka soo baxaya hey’addo iyo dowladdo waxaana baaqyadaas ku jira kaniisada Vaticanka oo ku baaqday in xaaladda wadahadal lagu dhammeeyo.
Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido ayaa ku baaqay isu soo bax ballaaran si Madaxweyne Maduro oo gudanaya muddo xileedkiisii labaad loogu qasbo in uu xukunka ka dago.