Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa soo jeediyay in la qabto doorashada Baarlamaani ah oo aan waqtigeeda la gaarin si dib looogu sharciyeeyo baarlamaanka dalkaas oo uu sheegay in ay lumiyeen sharciyaddii.
Madaxweyne Maduro oo ka hadlayay isu soo bax lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada caasimadda ee Caracas ayaa sheegay in uu baarlamaanka arrintaa kala tashan doono oo haddii ay meel mariyaan doorashada baarlamaanka la qaban doono sannadkaan dhexdiisa.
Doorashada baarlamaanka ayay ahayd in la qabto sanadka 2020, hase yeeshee waxa uu Madaxweynuhu sheegay in baarlamaanka ay qabsadeen ama ay u bateen koox aan sharciyad heysan oo u baahan in dib loo siiyo sharciyaddii.
Dalka Venezuela ayaa waxaa ka socda dibadbaxyo isdiidan oo taageero iyo mucaardba ku ah dowladda dalka Venezuela.
Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa wajahaya culeyso siyaasadeed oo gudaha iyo cadaadis dibadda oo uga imaanaya dalal Mareykanku hormuud u yahay. Mareykanka iyo dalal kale ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido u aqoonsaday madaxweynaha dalka Venezuela.