Madaxweynaha Suudan oo ku dhawaaqay inuu dalka geliyay xaalad degdeg ah

610

Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashir ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo heer qaran ah muddo hal sanno ah, isaga oo kala diray xukuumadda federaalka ah waxaana uu cayriyay dhammaan guddoomiyayaasha gobollada dalka.

Mr Bashir ayaa uga dhawaaqay arrintaan telefishanka qaranka, magacaabay guddi ka kooban ciidamada Ammaanka si ay u beddelaan guddoomiyaasha shaqada laga eryay.

Mar sii horreysay, Hey’ada Sirdoonka Qaranka (NISS) ayaa sheegtay in Mr Bashir uu xilka ka degayo.

Madaxweyne Al- Bashir ayaa la kulmay dibaxyo waa wayn oo looga soo horjeedo toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dibad-baxayaashu isugu soo baxay waddooyinka waa wayn ee magaalada Omdurman kaddib markii lagu dhawaaqay xaalada degdeg ah, iyadoo la sheegay in booliisku u adeegsaday sunta dadka ka ilmayaysiisa.

” waxaan ku dhawaaqayaa in dalka la geliyay xaalad degdeg ah muddo hal sanno ah,” Ayuu yiri madaxweyne al- Bashiir.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in kala diray Xukuumadda heer federaal iyo heer.” Ayuu yiri.

Mr. Bashir ayaa baarlamaanka ka codsaday in dib loo dhigo wax ka beddelka dastuuriga ah kaas oo u oggolaan lahaa in uu ordo xilli kale xilka Madaxweynaha.

Mr Bashir ayaa sidoo kale sheegay in dibad-baxyada ay ahayd isku-day lagu doonayo in lagu qasbo dalka.