Madaxweynaha dalka Suudan Omar al-Bashir ayaa kala diray xukuumaddiisa si uu wax uga qabto xaalada cakiran ee dhaqaalaha dalka Suudaan.
Warka qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Suudaan ayaa lagu sheegay in talabaadani xukuumadda lagu kala diray ay sidoo kale ku jirto, in la dhimo tirada Golaha Wasiiradda 21 laga dhigayo halka ay ka ahaayeen 31.
” Madaxweyne Omar al-Bashir waxa ku wargeliyay inuu kala dirayo dhamaan xukuumadda qeybaha ay ka kooban tahay, Ra’iisul wasaaraha , golaha wasiiradda heer federaal iyo wasiira dowlayaasha si loo hagaajiyo xaalada uu dalku wajahayo,” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha Suudan.
” Waxa uu soo dhisi doonaa dowlad cusub oo taasi oo markale rajada ku soo celisa dadka reer Suudaan, ayaa qoraalka lagu yiri.
Go’aanka madaxweyne Al-Bashir uu shaqada uga eryay xukuumaddiisa ayaa imanaya iyadoo Sudan ay wajahayso qalalaase dhaqaale oo sii kordhaya, iyadoo sicir bararka uu gaaray boqolkiiba 65.
Qiimaha cuntada iyo badeecada kale lagu iibsado ayaa laba jibaarmay,iyadoo qiimaha sarifka lacagta Pound-ga ee Suudana ay si wayn hoos ugu dhacday.