Madaxweynaha Suudaan oo wasiir u magacaabay wiil uu aabihii dilay

1041

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa wasiiru dawlaha daryeelka bulshada  iyo hormarinta u magacaabay wiilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Suudaan kaas oo uu amray in la toogto madaxweynaha Suudaan.

Wasiiru dawlaha  la magacaabay ayaa la yiraah  Axmed Maxamed Cusmaan Karaar , waana  wiilka Maxamed Cusmaan Karaar oo loo dilay isku daygii afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Suudaan sannadkii 1990kii.

Wasiiru dawlaha oo la weydiiyay sida uu u arko dilkii aabihiis  ayaa ka gaabsaday, laakiin dad ku dhaw ayaa sheegay in uu horay uga socday oo iska iloobay.

Sannadkii 1990 saraakiil ciidan oo aad ugu dhawaa Ra`iisul wasaarihii la afgambiyay Saadiq Almahdi ayaa isku dayay afgmabi, ha se ahaate waa la fashiliyay .  Saraakiishaas waxaa ku jiray Maxamed Cusmaan Karaar oo ah aabaha wasiiru dawlaha cusub ee daryeelka iyo hormarinta dalka Suudaan.

Dhammaan saraakiishii sarsare oo gaarayay soddon ayaa maxkamad la saaray  waxaan lagu xukumay dil toogasho ah. Isla maalintii xigtay ciidanka toogta Suudaan ayaa fagaare ku toogtay saraakiishii la xukumay.

Ilaa iyo hadda qoysaskii saraakiisha ayaan ogaanin halka la dhigay meydka saraakiisha oo wali dalbanaya in ay ogaadaan meesha la dhigay saraakiishii la laayay.

Dalka Suudaan waxaa gacanta ku haya madaxweyne Albashiir oo  xukunka dalkaas afgambi ku qabsaday sannadkii 1989kii. Madaxweyne Albashiir waa 74 jir ay qoorta ugu jirto dacwad ay kusoo oogtay maxkamadda danbiyada dagaalka ee Hegue.

Albashiir ayaa horay u sheegay in uusan tartami doonin doorashada soo socota,laakiin dhawaan ayaa go`aankaas isbadal ku yimid markii xisbiga uu ka tirsanyahay ay u doorteen in uu mar kale tartamo.