Madaxweynaha dalka Sudaan Omar al-Bashir ayaa gaaray magaalada Dimishiiq ee caasimadda dalka Suuriya Axaddii, taasi oo noqonaysa booqashadii ugu horresay ee hoggaamiye Carbeed ku tago tan iyo markii ay bilaabatay colaada dalka Suuriya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Suuriya.
Madaxweynaha Suuriya Bashar al- Assad ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha magaalada Dimishiiq, si laga arkay sawirro rasmi ah oo laga qaaday iyagoo is gacan qaadaya. Waddamo badan oo Carab ah ayaa xiriirka ka goostay ama go’doomiyay madaxweyne Assad tan iyo markii dagaalka Suuriya uu bilawday horeentii sanadkii 2011-da kaddib dibad-baxyo ku baaqayay in xukunka laga tuuro ay Suuriya hareeyeen.
Wakaaladda wararka dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay wadahadallo ku saaban horumarka Gobolka iyo Suuriya ku yeesheen qasriga madaxtooyadda.
Madaxweyne Assad ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay inuu sii waddo “ aqoonsiga Carabta” kasakoow colaada Suuriya waxa uu ku eedeeyay dalal Carabta ka mid ah, oo ay Sacuudiga hoggaamiso, in ay sii hurinayso colaada Suuriya iyadoo hubaynaysa jabhada mucaraadka ah kuwaasi oo doonaya in xukunka ka tuuraan Xukuumadda madaxweyne Assad.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka joojiyay xubinimadii Suuriya ee Ururka bishii November ee sanadkii 2011-kii iyadoo uga jawaabaysa weerarada rabshadaha leh ee dowladda Suuriya kula kacday dibaxayaasha dalkaasi.
Inkastoo dalal badan oo Carabeed ay xireen safaaradahooda ama ay hoos u dhigeen xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Dimishiiq, haddana waxaa jiray baaqyo soo korayaya oo waddamada Carabta ah bilihii dhawaa si xiriirka Suuriya loo soo celiyo iyo in kursigeedii xubinimada Jaamacadda Carabta dib loogu soo celiyo.