
Madaxweynaha Suudaan Omar al-Bashir ayaa balanqaaday Sanadka Cusub in uu horumarin doono dhaqaalaha, iyada oo ciidamada ammaanku ay kala eryeen dibadbaxayaal ka dhan ah dowladda caasimadda Khartoum iyaga oo adeegsanaya gaas indhaha ilmada ka keena iyo iyo rasaas nool.
Bashir ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka ee la ansixiyay axaddii, ay gacan ka geysan doonto in ” in wax laga qabto dhibaatada hadda jirta”, taas oo ku saabsan carro ka dhalatay qiimaha ba’an ee badeecadaha aasaasiga ah, taas oo kor u qaaday mudaaharaadyada ka socda Sudan labadii toddobaad ee la soo dhaafey.
“Markii ugu horraysay taariikhda, waxaan dhisi doonaa [miisaaniyadda] mashruucyada horumarinta … oo loogu talagalay yaraynta dhibaatada dadka iyada oo la ilaalinayo dhaqaale ahaan badeecooyinka iyo alaabada qaarkood, kor u qaadida mushaarka, iyo ka ilaalinta culaysyada canshuurta,” Bashiir ayaa ka sheegay caasimadda Sudan ee Khartoum.
Waxa kale oo uu sheegey in iskaashi labo geesood ah ay la samayn doonaan dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Khaliijka si loo gaaro hadafkan. “Waxaannu ku hawlan nahay iskaashi istiraatiijiyadeed oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista wax ku oolnimada dhaqaaleheena … iyo in aanu si adag u aasaasno saldhiggeena wax soo saar ee qaranka.” Ayuu yiri madaxweyne Bashiir.
Dibadbaxyada, oo ay sababtay kor u kaca qiimaha iyo shidaalka, ayaa bilowday 19-kii December, isla markaana si dhakhso ah ugu fiday magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Khartoum oo Xukuumadda looga soo horjeeday ayaa lagu dalbaday inu is casilo madaxweyne Al- Bashiir.
Lama oga waxa ay balanqaadkiisa cusub ay ka beddeli doonto dibadbaxyada iyo qalalsaha dhaqaale ee dalka ka jira.
























