Madaxweynaha Sri Lanka oo walaalkiis Ra’iisul wasaare u doortay

538
Mahinda Rarapaksa ayaa walalkiis Ra'iisul Wasaare u magaacabay. Reuters

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Sri Lanka Gotobaya Rajapaksa ayaa walaalkiis Mahinda u doortay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha dalkaas. Magacaabista ayaa xoojineysa awoodda heer uu taariikhda ku galay in ay ka adkaadeen jamhaddii Tamil Tigers toban sano ka hor.

Mahinda oo labo mar soo noqday madaxweynaha dalka Sri Lanka ayaa lagu wadaa in la dhaariyo khamiista soo aaddan kaddib markii Ra’iisul wasaarihii hore iscasilay markii xisbigiisa looga adkaaday doorashadii dhacday.

Labada walaal ee reer Rajapkasa ayaa sabab u ahaa in laga adkaado jamhaddii Tamil Tigers,waxaana ay taasi soo afjartay 26 sano oo dagaal sokeeye uu ku jiray dalkaas. Heyadaha nabadgalyada oo ay xilligaas gacanta ku hayeen ayaa lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal.

Afhayeen u hadlay xisbiga doorashada ku guuleystay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Mahinda oo 74 uu dhaarin doono walaalkiis Madaxweyne Gotobaya oo 70 jir ah. Labada walaal ee kale ee Basil iyo Chamal ayaa iyaguna ki jira siyaasadda.

Madaxweynaha hadda la doortay ayaa ahaa wasiirkii difaaca xilligii walaalkiis Mahinda uu ahaa madaxweynaha Srilanka. Mahinda ayaa talada hayay ilaa sannadkii 2015.

Srilanka ayaa markii u horreysay yeelaneysa labo walaalo ah oo haya labada xil ee ugu sarreeya dalka. Mahinda ayaa markii uu ahaa madaxweynaha dalka Srilanka gaar ahaaan muddo xileedkiisii hore waxaa guddoomiyaha baarlamaanka ahaa walaalkiis ka weyn Chamal.