Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Burundi

423
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadii ugu horresay ku tagaya Talyaaniga tan iyo markii xaafiiska loo dooortay. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Hawgalka Amisom ay shaaciyeen in 1000 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga ee dalka Burundi ay dalka ka baxayaan, kuwaasi oo laga saarayo degaanada dowlad Goboleedka Hirshabelle.

SHARE