Madaxweynaha Soomaaliya oo tegaya dalka Turkiga

1564

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tegaya dalka Turkiga kaddib markii uu casuumaad ka helay dalka Turkiga sidaas waxaa lagu shaaciyay barta Twitterka ee Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in casuumadaan loo fidiyayay ay tahay ka qayb galka shirweynaha lixaad ee xisbigga talada haya dalka Turkiga AK u yeelanayo.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu uu wadahadalo la xiriira dhanka  iskaashiga dhaqaale amni iyo sidii sare loogu qaadi  ganacsiga iyo maal gashiga uu la yeelan doonaa masuuliyiinta dalka Turkiga.

Booqashadaan aan horay loo sii shaacin ayaa imaaneysa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Jabbuuti si meesha looga saaro mugdiga soo kala dhex galay labada dal.