Madaxweynaha Soomaaliya oo mar labaad shir u tagaya Eritereeya

1514

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tagaya dalka Eritreeya si uu uga qaybgalo shir saddax geesood oo ah oo dalka Eritreeya ku dhexmari doona hoggaamiyaasha Soomaaliya, Eritreeya, iyo Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida uu bartiisa Twitter ku shaaciyay wasiirka warfaafinta Eritreeya Yemane G Meskel waxa galinka danbe ee maanta tagi doona dalka Eritreya , isaga oo shir saddax geesood ah la qaadan doona madaxweynaha Eritreeya iyo Ra`isulwasaaraha Itoobiya oo ku sugan  isla dalka Eritreeya.

Xubnaha ka midka ah Wafdiga Madaxweynaha ee tagaya Asmara waxaa ka mid aha Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo xiriir dhaw la leh dalka Eritrea, kaas oo xubin kahaa Isbaheysigii Asmara lagu dhisay ee ka dhanka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay 2006-dii.

Xog ay heshay Umadda Media ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Farmaajo uu safarkiisa salka ku hayo waan waan la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Eritereeya iyo Jabuuti oo uu Dagaal dhex maray ciidamada xuduudka ee labada dal June 10, 2008, dagaalkaas oo salka ku hayey muran dhanka xuduudka ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Jabuuti ayaa xilligaas sheegtay in ciidamo ka tirsan milateriga Eritrea usoo tallaabeen dhinaca Jabuuti, dhufeysyana ka qoteen dhul ka tirsan ciidda Jabuuti.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa wali war ka soo saarin socdaalka madaxweynaha uu ku tagayo dalka Eritreeya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu muddooyinkan wadey booqashooyin uu ku tegayo dalalka Geeska Afrika, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka, loolana jaanqaado isbeddelka siyaasadeed ee gobolka ka bilowday.