Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti

631

Jabuuti – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay sidoo kale kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uusan Jabuuti gaarin waxa uu booqasho labo maalin qaadatay ku tagay dalka Burundi.