Djibouti (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada Jabuuti wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray. Sida uu sheegay Wasiir dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiiradda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka,Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.