Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Candullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay garsoorayaal cusub oo ka mid noqonaya Maxkamadda Sare.
Wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha ayaa waxa uu magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku kala dardarmaay garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.
Garsooryaashaan cusub ee uu magacaabay Madaxweyne ayaa qeyb ka ah dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid dadweynaha Soomaaliyeed, sida lagu xusay wareegta ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha.
Garsoorayaasha uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa kala ah:
1. Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
2. Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
3. Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
4. Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.