Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo uu berri kula kulmayo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.
Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay ka soo laabtay booqasho safar labo maalin ah oo ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu uga qeybgalay shirka madaxda Jaamcadda Carabta iyo Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Sharma El-Sheikh.