Asmara, Eritrea – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteraya.
Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsan wadahadallo saddex-geesood ah kula yeelanayo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la filayaa in ay ka wadahadli doonaa xaaladaha Gobolka, Iskaashiga amniga,dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada.
Kulanka madaxda sadexdan dal ayaa la filayaa dhammaadka shirkooda in uu ka soo baxo warmurtiyeed wadajir ah.