Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay, kadib shirkii IGAD

181

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu magaalada Addis Ababa uu kaga kasoo qeyb galay shirka 32-aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD  .

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda IGAD, isagoo Madaxweynaha dalka Koofur Suudaan, Salva Kiir oo ay si gaar ah u wada hadleen uu ku bogaadiyay sida ay dowlad iyo mucaaradba u aqbaleen inay wada hadlaan.

Shirka IGAD oo lagu dhex-dhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka dalka Koofur Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Wuxuuna madaxweynuhu Soomaaliya sheegay inay Soomaaliya garab taagan tahay Koofur Suudaan, wuxuuna kula dar-daarmay inay Labada dhinac ka wada faa’iideystaan fursadaha hor yaalla iyo sidii ay ugu bixi lahaayeen colaadda sokeeye

SHARE