Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku tagaya dalka Eritereeya

828

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddax bari ah ku tagaya dalka Eritereeya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dalka Eritereeya ayaa  booqashada ku xaqiijiyay bartiisa Twiterka .War uu soo dhigay oo Ingriis ku qorrnaa ayuu ku sheegay in madaxweynaha Soomaaliya  uu booqan doono dalka Eritereeya markii uu casuumaad u fidiyay  Madaxweynaha Eritereeya Isias Afwerki.

Booqashada madaxweynaha ayaa bilaaban doonta maalinta barri ah, waxayna qaadan doontaa muddo saddax bari.

Soomaaliya iyo Eriteereya ayaan laheyn wax xiriir dhaw ama mid diblomaasiyeed.Soomaaliya ayaa marar badan ku eedeeysay dalka Eritereeya in ay taageeraan ururada argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya.isku soo dhawanaashaha labada dal ayay dad badani u arkaan in ay ka danbeyso xiriirka wanaagsanaaday ee Eritereeya iyo Itoobiya.

Booqashadaan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalka Eritereeya tan iyo intii dalkaasi uu noqday dal Itoobiya ka madax bannaan.