Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya Jabuuti

736

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa maalinta barri ah in ay u amba-baxaan dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in safarka Madaxweynuhu uu ku qotomo xoojinta xiriirka soojireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

“Booqashadan inta lagu guda jiro, Madaxweynuhu waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan  xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada waddan iyo labada shacab ee walaalaha ah iyo sidii loo xaqiijin lahaa danaha wada jirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog wareysan doona xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad-sugidda Midowga Afrika ee Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisadaas.