Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo kulan ku yeeshay Beijing

865

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha saaka kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxa ay ka wadahadleen ahmiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Waxaa magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ka furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ah shir sanadle ah.