Madaxweynaha Somaliland oo soo dhaweeyay raali gelintii Madaxweyne Farmaajo

104
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo soo dhaweeyay raaligelintii Madaxweyne Farmaajo. BBC Somali

Muqdisho – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka horjeediyay Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah. Madaxweyne Biixi ayaa soo hadal qaaday kulan dhawaan ki dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isaga iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Biixi ayaan faahfaahin baddan ka bixin kulankaasi balse sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu u sheegay inuu doonayo in u dhexdhexaadiyo labada dhinax go’aankaas uu ku taageeray.

“Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa i marti qaaday, runtii waa nin isbedelka ka sameynaya Africa, hal haleel ayaan ugu tegey anoo ordaya,wuxuu ii sheegey in Farmaajona soo gelayo isna,

Halkaa waxaan ku galnay shir aanan qorshihiisa sii ogayn, Abiy ayaa yidhi ‘waxaan doonayaa in aan idin dhexgalo wey raagtay arrintiina, waa arrintiina Africa u taal, anna waan aqbalnay,Farmaajona waa aqbalay, intaa wax ka badan lama gelin, diyaarna looma ahayn, intaa iyo waa diyaar garoobaynaa ayaan ku kala nimid”. Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay raalli gelintii madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Somaliland balse waxa uu meesha ka saaray in Farmaajo uu booqasho ku imaanayo Hargeysa.

“Madaxweynaha Soomaaliya imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaa ma xumo, madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi, tallaabo wanaagsan buu qaaday marka uu yiri raalin gelin baan bixinay, laakin wuxuu ku dilay markuu yiri waan imanayaa Hargeysa,” ayuu yiri Muuse Biixi oo jeedinayay khudbad sannadeedka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan meel faagara ah ka bixiyay raali gelin uu jeediyay dadka reer Somaliland isagoo sheegay in dhibkaasi ay gaysatay dowladdii waqtigiisa xukunka haysa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horreysay dhawaan ku kulmay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee magaalada Addis Ababa.

SHARE