Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula yeeshay maagalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaarinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo dhaqan gelinta heshiiska mashruuca dekedda Boosaaso.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumadda cusub ee Puntland samayn doonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland.
Shirkadda DP-World ayaa dhankeeda sheegtay in ay dardargelin doonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, sidoo kalena ay ilaalinayaan heshiisyada lagu horumarinayo xiriirka ganacsi ee dowlad Goboleedka Puntland iyo Imaaraadka.
Shirkadda Dp-World oo sanadkii hore Baarlamanka Federaalka Soomaaliya dalka ka mamnuucay in ay ka hawlgasho ayaa maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Gobolka Bari tan iyo sanadkii 2017-ji markaasi oo ay heshiis dhexmaray maamulkii madaxweyne Cabdi Cali Gaas kula wareegtay.