Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso kula kulmay safiirka Mareykanka

628

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari wafdi uu hoggaaminayay danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Wafdigaan oo hoggaaminayay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ayaa sidoo kale kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Kulan dhexmaray safiirka Mareykanka iyo madaxweynaha Puntland ayaa looga hadlay arrimaha amniga, kobaca dhaqalaha iyo arrimaha bini’aadanimada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa 8 bishii Janaayo ee sanadkaan loo doortay madaxweynaha Puntland ee 5 sanno ee soo socota.