Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hey’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Sharciga lagu dhisayo Hay’adda Naafada Qaranka waxa uu suurta galinayaa in la yagleelo hay’ad madax bannaan oo ka shaqeysa ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah iyo daryeelkooda. pic.twitter.com/PWyhlfJTeF
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 31, 2018
Munaasanadda lagu qabtay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan.
“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishaan Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda.
Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed.

























