Madaxweynaha oo munaasabadda ciidda kala qeybgalay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka

736

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabbabarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa waxa uu u kormeeray xaaladda dugsiga, isaga oo u guurgalay hawlaha tababarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tababarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku jiray kormeerka xerara Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.