Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto ka soo baxday maanta xaafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, kaddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Garsoorayaasha uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah kala ah:
1. Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
2. Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
3. Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
4. Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
5. Garyaqaan Axmed Cali Muuse.
Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:
1. Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
2. Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
3. Mudane Maxamuud Axmed Faarax.
4. Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
5. Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
6. Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla sida lagu yiri wareegtada ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha.