Madaxweynaha oo kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada

399

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa kulan kaddib faray taliyeyaasha in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.

Kulanka Madaxweynaha uu isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada iyo laamaha amniga ayaa imaanaysa iyadoo saddex qarax oo is xigxiga lagu weeraray maalintii jimcaha huteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada jimcihii ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 50 qof rayid u badan halka tiro intaasi ka badan ku dhaawacmeen, iyadko sidoo kalena hanti badan ay ku burburtay.

SHARE