Madaxweynaha oo ku laabtay Xaafiiskiisa wasaaradda Gaashaandhigga

726
President Mohamed Abdullahi Farmaajo chairing a government meeting in Mogadishu: Photo: Villa Somalia

Muqdisho (UM) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xaafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Madaxweynaha oo horrey loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoona lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uga qeybgalay magaalada Dahraan ee Boqortooyada Sacuudiga shirka Jaamacadda Carabta, Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu xoogga saarayo dib habaynta Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale inuu duusha kala socdo hawlgallada ciidamada ay fulinayaan.