Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalma Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.
Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri “waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn.”
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.
Munaasabadda caleemaa saarka Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay, Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Madaxweynayaasha Hiirshabelle iyo Galmudug, wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Wakiil gaarka ah ee Qaramadda Midoobay iyo danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.