Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa habmalyo ku aadan munaasabadda 15-ka May u diray shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo farriin soo dhiggay boggiisa twitter-ka ayaa ku dhiirigeliyay dhallinyarada sida aqoontooda iyo in ay kaalin firfircoon ku yeeshay dalka iyo hannaanka dowladnimada ay muhiim u tahay.
” Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay. Gacmaha isqabsada” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sanad guuradii 75aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL.
Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay. Gacmaha isqabsada.
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) May 15, 2018
Maanta oo ah 15-ka May ayaa waxa ay ku beegan tahay 75 guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururkii Gobonimo doonka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo la aasaasay sanadkii 1943-dii.