Madaxweynaha oo furay kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka

718

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah  furay kal-fadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka tavsiyeeyay dadkii rayidka iyo askarta isugu jiray ee saaka ku dhintay qaraxii lagu weeraray xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kal-fadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.

“Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dldowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

“Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Jarmalka lagu qabtay ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.

Munaasabadda furitaanka ee kal-fadhiga 4aad oo lagu wadday in labada Aqal ka soo qeybgalaan ayaa waxaa ka baaqday Golaha Aqalka Sare  iyadoo oo Guddiga joogta ah ee Aqalka Sare war ay soo saareen ku sheegay in ay sababta kal-fadhiga furitaankiisa uga soo qeybgali wayeen ku sheegay arrimo amni iyo farsamo farsamo aawadeed in dib loogu dhigay furitaanka kal-fadhiga Aqalka Sare.