Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta Dhagax dhigay dib u dhiska Golaha murtida iyo Madadaalada Qaranka.
Madaxweynaha oo ay weliyaan Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa dhagx dhigga kaddib sheegay in xarunta Golaha murtida iyo Madadaalada Qaranka lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan.
Madaxweynaha JFS Mudane @M_Farmaajo ayaa saaka dhagax dhigay Golaha Murtida iyo Madadaalada oo dib loogu dayactirayo Barnaamijka Qaran ee Is-xilqaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib usoo celinta xarumihii danta guud. pic.twitter.com/QJ9MjTBun0
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) October 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay dowladda oo kaashanaysa dadka Soomaaliyeed ay ka go’antahay dib u dhiska xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo dadweynaha.
Dhismaha golaha murtida iyo Madadaalada oo burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa waxa dib loogu dhisayaa barnaamijka ‘Isxilqaan’ oo dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay.