Madaxweynaha oo Daahfuray Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha

684

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo maanta si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dowliga ah ee dalka.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale madasha ku soo bandhigtay qorshaha tayeynta macalimiinta oo wajigiisa koowaad lagaga hirgelinayo Caasimadaha Dowladda Goboleedyada xarumo lagu tababaro macalimiinta oo noqonaya madal ay isku dhaafsadaan macalimiinta khibradahooda dhanka waxbarista, sarena loogu qaadayo xirfadahooda.

Madaxweyne Famaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhanka waxbarashada, isagoona sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jirijiray dalka.