Madaxweynaha oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

470
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadii ugu horresay ku tagaya Talyaaniga tan iyo markii xaafiiska loo dooortay. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda dalka Talyaaniga isagoo ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. Sida lagu xusay war qoraal oo ka baxay xaafiiska madaxweynaha.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu ku yiri Madaxweynuhu qoraalka la sii dayay.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada dal.

SHARE