Madaxweynaha Nigeria oo shaqada ka eryay taliyayaasha ciidamada qalabka sida

106
Madaxweynaha Nigeria oo shaqada ka eryay taliyayaasha ciidamada qalabka sida. Google

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa shaqada ka eryay taliyayaashii ciidamada dalka oo uu magacaabay markii ugu horeysay ee uu xafiiska la wareego sanadkii 2015.

Tallaabo lama filaanka ah, wuxuu sidoo kale ku shaaciyay magacyada dadka beddelay.

Lama sheegin wax sabab ah oo ay isku casileen madaxdii ciidamada, badda, cirka iyo madaxii difaaca ciidamada.

Waxay ku soo beegantay iyadoo Nigeria ay weli la daalaa dhaceyso amni darro baahsan oo ay ka mid yihiin kacdoonka muddada dheer socday ee Boko Haram iyo afduubyada baahsan.

SHARE