Madaxweynaha Nigeria oo beeniyay inuu geeriyooday

663
Madaxweynaha Nigeria Muhummadu Buhari ayaa beeniyay inuu dhintay. Sawirka: AP

(UM) – Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari beeniyay warar sheegayay inuu geeriyooday, laguna beddedalay nin u eg oo u dhashay dalka Suudaan, waxa uu ugu yeeray “Jaahilnimo kutiri ku teen ah.”

Madaxweyne Buhari, oo dib ugu tartamaya doorasho bisha February, ayaa muddo shan bilood ah ku qaatay dalka Britain sanadkii hore si looga daaweeyo cudur aan la shaacin. Arrinta aadka loogu faafiyay badaha bulshada– gaar ahaan qaar ka mid ah mucaraadkiisa – ayaa ahayd in lagu beddelay nin u eg oo u dhashay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Jubril.

Ma jiraan caddymo la soo bandhigay oo arrintaan xaqiijinaya, laakiin muqaalka sheegaya in nin u eg lagu beddelay ayaa waxaa kumanaan jeer laga daawaday muqaal baahiyaha YouTube iyo Facebook-ga.

Madaxweyne Buhari ayaa sheegay inuu dhawaan u dabbaaldegi doono dhalashiisa 76aad, uuna sii shaqayn doono.

“ waa anniga oo run ah, waan idin xaqiijinaa. Mar dhaw waxaan u dabbaaldegi doonaa dhalashadayda 76aad walina waan sii shaqayn doonaa,” ayuu yiri Buhari isagoo ku sugan dalka Poland Axadii oo uu shir uga qeybgalayay mar wax laga weydiiyay, ninka eg ee beddelay ee Jubril.

“Dad badan ayaa rajayaynayay in aan dhintay intii aan xanuunsanaa. Dadka qaar ayaa u tagey Madaxweyne ku xigeenka si uu ugu magacaabo ku xigeenkiisa sababtoo ah waxa ay u maleeyeen in aan dhintay. Arrintaasi aad ayay la yaab ugu noqotay isaga dabcan, waxa uuna igu soo booqday markii aan joogay London,’’ waxaa uu sheegay, kuwa faafinaya been abuurka in ay ahaayeen “jaahiliin iyo diinlaawayaal”. Ayu yiri Madaxweyne Buhuri.

Madaxweynaha Nigeria ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu u dabaaldego dhalashadiisa 76-aad bishaanb December 17-keeda.

Muqaalka uu uga jawaabayo madaxweyne Buhuri sheegada eedeymahaan ayaa la soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee ku leeyahay Twitter-ka.