Madaxweynaha Mali oo is casilay

85
Madaxweynaha dalka Galbeed Afrika ee Maali ayaa is casilay kaddib bannaanbaxyo muddo ka socda dalkaas. Reuters

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa iscasilay saacado kadib markii ciidamada isbadal doonka ah ay kala wareegeen gurigiisa kadib bilooyin ay wadeen banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo musuq maasuqa iyo xaalada sii xumaaneysa ee waddanka galbeedka Afrika.

Warka is casilaadaa Keita ayaa mudaaharaadyada lagaga soo horjeeday dowladdu ay Arbacadii aad u soo dhaweeyeen, halka hoggaamiyeyaasha afgambiga milateriga ay sheegeen inay ku samayn doonaan kala-guur siyaasadeed oo ay ku galayaan doorasho “waqti macquul ah”.

Dalka Mali ayaa waxaa dhawaan harreeyay bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda iyagoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo xaalada dalka oo sii xumaatay.

SHARE