Madaxweynaha Maldives Abdulla Yameen ayaa aqbalay in looga adkaada doorashadii sida lama filaanka ah uu ugu guulaystay hoggaamiyaha mucaaradka.
” Muwaadiniinta reer Maldives waa ay hadleen … waana aqbalay natiijada,” ayuu yiri madaxweyne Yameen oo khubad toos ah ka jeediyay telefishinka.
Hoggaamiyahaan 59-jirka ah, oo muddo shan sanno ah soo xukummayay waddanka, ayaa sheegay inuu xaafiiskiisa Male kula kulmay madaxweynaha la doortay ee Ibrahim Mohamed Solih wax yar ka hor inta uusan khubadiisa jeedin.
“Waxaan u hambalyeey madaxweynaha la doortay,” ayuu yiri Yameen.
Haddalka Madaxweyne Yameen ayaa yimid saacado kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranku uu xaqiijiyay guusha go’aanka ah ee Solih, oo muddo dheer xubin ka ah baarlamaanka, wakiilna ka ah isbaheysiga afarta xisbi, kuwaas oo hoggaamiyayaashoodu xabsiga ku jiraan ama ma saafuris ku maqan yihiin.
Solih ayaa ku guulastay boqolkiiba 58 codad la dhiibtay,halka Yameen boqolkii 42 uu helay, sida ay muujisay natiijada rasmiga ah ee la shaaciyay.
Mareykanka iyo India ayaa ugu hambalyey dadka reer Maldivies iyo madaxweynaha la doortay guusha ay ka gaareen doorashada axaddii dhacday.