Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya Cabdiaziiz Xasan Maxamed Lafta- Gareen ayaa maanta ku dhawaaqay qaar ka mid ah Gollaha wasiiradda maamulka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.
Waxaan ku dhawaaqay qaar kamid ah gollaha wasiirada maamulka KGS, waxaana kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka. Maamulkeyga waxaa ka go’an in uu talada u dhiibo masuuliyiin si daacad ah u gudanayo xilalkooda, xilna iska saarayo u adeegida shacabkooda pic.twitter.com/XtwE0qJkJK
— Abdiaziz Hassan Mohamed (@Laftagareen) February 2, 2019
Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa xubnaha Golaha wasiirrada Koonfur Galbeed ee oo magaacabay waxa ay ka kooban yihiin 10 xubnood.
Wareegta ka soo baxday xaafiiska ayaa lagu magaacabay wasiirrada cusub. Wasaaraddaha wasiiradda loo magaacabay ayaa waxaa ka mid ah wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta, arrimaha gudaha iyo kalluumaysiga.
Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa xilka loo doortay 19kii bishii December ee sanadkii hore.

























