Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay wafdi ka socda Beesha Caalamka

538

Kismaayo – Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga  qeyb galeen Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

Warka ka soo baxay sidoo kale Wakiillada ka socday Saaxiibbada Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga uu  booqday magaalada Kismaayo, iyadoo taasi ay qayb ka tahay dadaallada socda oo ay kula kulmayaan saxiixayaasha heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka Soomaaliya, si ay si fiican ugu fahmaan walaaca mas’uuliyiinta Jubaland ee ku saabsan hannaanka horay u socod ee doorashada.

Waxaa magaaalada Muqdisho ku sugan Madaxda Saddex maamul Goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galbeed iyo Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda Federaalka oo uu shir wadatashi oo arrimaha Doorashooyinka u socdo.