Madaxweynaha Jubbaland oo booqasho ku tagay Caddaado

661

Caddaado – Madaxweynaha dowlad GoboleedkaJubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe ” ayaa maanta oo sabti ah booqasho ku tagay magaalada Cadaado ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Galmudug iyo maamulka magaalada Caddaado ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa magaalada Caddado isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu Aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kulan la qaatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, xildhibaannada Galmudug iyo masuuliyiin ka tirsan maamul magaalada Caddado.

Safarka Axmed Madoobe ee Caddado ayaa ku soo aadaya iyadoo Madaxweyne Farmaajo galabta la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb oo maalmaha soo socda shir uga furmayo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed si looga arrinsado arrimaha Doorashooyinka Qaranka ee muranku ka taagan yahay.